Caymiska

Markaad caymiska qaadanayso, waxaa jira noocyo caymis ah oo kaaga baahan inaad bixiso macluumaad caafimaad. Kuwaas waxaa ka mid ah caymiska nolosha iyo caymiska naafada. 

scheduleOppdatert: 23.07.2021

createForfatter: Sekretariatet

labelEmner:

Markii aad gasho caymiska la xiriira caafimaadka, waxaa lagu weydiinayaa inaad buuxiso waraaqo cadaynaya caafimaadka. Warbixinta halkan lagu bixiyay ayaa aasaas u ah qiimeynta caafimaadka shirkadda. Warbixinta waxaa loo isticmaalaa in lagu go’aamiyo qiimaha saxda ah iyo shuruudaha caymiskaaga. Qof kasta oo dalbanaya caymis waxaa ku waajib ah inuu bixiyo warbixinadaas. Haddii ayna warbixintaadu sax ahayn, wax magdhaw ah lama bixin doono haddii caymiska la dajiyay. Warbixinta caafimaadka waxaa looga shaqeeya si sir ah oo adag. 

Dadka la nool HIV-ka, si la mid ah kuwa kale, sidoo kale waxay qaadan karaan caymiska nolosha iyo ka naafada. Khatarta waxaa lagu xisaabin doonaa iyada oo ku saleysan fikirka shaqsiga ah ee kiiska shaqsi ahaan. Tan macnaheedu waxay noqon kartaa in kuwa la halgama dhibaatooyinka caafimaad ee halista ah, in ay halis ugu jiraan in loo diido caymiska. Laakiin kuwa sida dhaqsaha ah ugu heley daaweynta guuleysatay, waa inay ku helaan caymis shuruudo caadiga ah, bedelkeedna leh waxoogaa qiimo sare ah. 

Caymisyada kale 

Marka laga hadlayo muhiimada HIV-ka ee caymisyada kale, waa kiiska in la oggolyahay oo keliya in la codsado caddeyn caafimaad oo ku saabsan caymisyada oo si toos ah caafimaadka u saameeya. Taasi waa, caymiska halista dhimashada, caymiska halista naafada, caymiska daaweynta, caymiska caafimaadka, caymiska jirrada shaqada iyo caymiska jirada ee halista ah.  

Caafimaadka ma khuseeyo marka la qaadanayo waxyaabaha ku saabsan caymiska degaanka/guryaha ama caymiska safarka. Shirkadaha caymiska badankood sidoo kale ma weydiiyaan ​​cadeyn caafimaad wixii ku saabsan ceymiska shilka. Caymiska shilku waa caymis shaqsiyeed, maaha caymiska dhaawaca, wuxuuna ku jiraa isla kooxda caymiska aad ka codsan karto caddaynta caafimaadka. Si kastaba ha noqotee, warbixinta caafimaad kuma khuseeyo caymiska noocaas ah, sidaas darteedna looma oggola in la codsado iyada oo la xiriirta caymiska shilka.  

Caymisyada safarka 

Marka laga hadlayo caymiska safarka iyo HIV-ka, waa caqli gal in la codsado wixii shaqaynaya. Haddii aad qabtid infekshinka HIV oo sifiican loo baxnaaniyay , lagana helayo la socosho fiican gudaha Norwey oo aad xasilloontahay bixitaankaaga, waxaad heli doontaa caymis ay ugu wacan tahay isbeddel degdeg ah oo lama filaanka ah ee cudurka HIVka.  

Xaaladaha macnaheedu waxuu noqon karan in caymiska safarku uusan daboolin daryeelka caafimaad ee la xiriira HIV-ka waxay noqon kartaa haddii isbitaal la dhigo in  badan oo sababo ka yimaada HIV-ka ama haddii dhawaanahan aad  badashay daawooyinka, haddii ay taasi ku timid hindisooyin ama xaalado caafimaad.  

Haddii daawooyinka lagaa xado, caymiska safarku wuxuu, guud ahaan, daboolayaa helitaanka kuwa cusub, laakiin marar dhif ah ayuu daboolayaa dib u soo safrida degdegga ah. Laakiin waa inaad, la tashataa dhakhtar, tixgelisaa inaad dhammaystiri karto safarka daawo la’aan iyo inkale. 

Les også

schedule13.01.2023

→ Ma ku cusub tahay Norway oo ma u baahan tahay daawada HIV-ka?

Qof kasta oo Norway jooga oo la nool HIV wuxuu xaq u leeyahay daawaynta HIV oo bilaash ah. Tan waxaa laga heli karaa dhakhaatiirta isbitaalka kuugu dhow oo leh waaxda cudurrada faafa.

schedule06.01.2022

→ Tallaal covid-19 ammaan ah

Tallaallada covid-19 ammaan bay u yihiin (way qaadan karaan) dadka la nool hiv, sidaa waxaa sheegay UNAIDS. Dhakhaatiirta infakshinnada Noorwey ayaa ku taageeray taas, oo ku boorrinaya dadka la nool hiv inay qaataan tallaallada.