Isbeddellada la kulanka dhakhtarka (konsultasjoner) ee Isbitaalka Ullevål

Dhibaatooyinka shaqaalaha yaraanta ee rugta bukaan-socodka cudurrada faafa ee Isbitaalka Jaamacadda Oslo ee Ullevål, ee keenay cudurka koranaha, la kulanka dhakhtarka (konsultasjoner) ee wakhtiga Christmas-ka oo dhan wuxuu u dhici doonaa qaab taleefoon. Dhammaan baarista dhiigga waa in loo qaadaa sida caadiga ah.

scheduleOppdatert: 23.12.2021

createForfatter: Sekretariatet

labelEmner:

Dhakhaatiirtu waxay eegi doonaan baadhitaanka / shaybaarada (prøvene), cusboonaysiin doonaan warqadaha daawada (resepter) waxayna qori doonaan qoraal (notat) usbuuc gudihiis ka dib wakhtiga balanta. Haddii uu dhakhtarku fursad u helo, qofka ay khusayso ayaa soo wici doona maalinta saacadda markii hore la dejiyay, inta badan waxaa la dajinayaa wakhtiga lagu heshiiyay.
Haddi dhakhtarku ku qasban yahay oo aanu haleelayn, waxa uu qoraal loo diri doona bukaanka, qoraalkuna waxa kale oo laga heli karaa helsenorge.no.

Waa muhiim in dhiiga laga qaado.

Dhakhtarka sare Bente Bergersen oo jooga rugta bukaan-socodka ayaa ku nuuxnuuxsaday inay muhiim tahay in qof walba laga qaado baadhitaanka dhiigga (blodprøven ) sidii ballanta loogu qabtay. Kaliya kulanka dhakhtarka (konsultasjoner) wuxuu ku dhici doonaa taleefoonka ama qaab dhijitaal ah oo lasa oo dhexmaayo aalada helsenorge.no.
Isbeddelkan wuxuu marka hore dhaqan-gal noqon doona kulanka dhakhtarka (konsultasjoner) dhici lahaa muddada u dhaxaysa 17ka Diisambar ilaa 7da Janaayo. Warqado ayaa loo diraa dhammaan bukaannada uu saameeyay isbeddelku.

Les også

schedule13.01.2023

→ Ma ku cusub tahay Norway oo ma u baahan tahay daawada HIV-ka?

Qof kasta oo Norway jooga oo la nool HIV wuxuu xaq u leeyahay daawaynta HIV oo bilaash ah. Tan waxaa laga heli karaa dhakhaatiirta isbitaalka kuugu dhow oo leh waaxda cudurrada faafa.

schedule06.01.2022

→ Tallaal covid-19 ammaan ah

Tallaallada covid-19 ammaan bay u yihiin (way qaadan karaan) dadka la nool hiv, sidaa waxaa sheegay UNAIDS. Dhakhaatiirta infakshinnada Noorwey ayaa ku taageeray taas, oo ku boorrinaya dadka la nool hiv inay qaataan tallaallada.