Soo bandhiga HivNorges

Haddii aad u baahan tahay talo sharci ama caawimaad si toos ah ula xiriirta ogaanshaha cudurka HIV-ka, HivNorge ayaa kaa caawin kara. Waxaan sidoo kale leenahay adeeg la-talin guud ah haddii aad qabtid su'aalo kale oo la xiriira HIV-ka.

scheduleOppdatert: 23.07.2021

createForfatter: Sekretariatet

labelEmner:

HivNorge malaha baxnaanin wadahadal oo loogu talagalay qof kasta oo qaba HIV-ka ama uu saameeyo HIV-ku, ama isticmaala daawada PrEP. Iyadoo lala kaashanayo lalana shaqaynayo ururka Chemfriendly, waxaan sidoo kale u fidinaa dalab wadahadal ah dadka isticmaala (chemsexbrukere) iyo kuwa kale ee leexsan/gayda ah ee daroogada isticmaala. Haddii aan isla qiimeyno in aan u baahan nahay turjubaan, waan diyaarin doonnaa. 

Intaa waxaa dheer, waxaan haynaa waxqabadyo badan oo loogu talagalay dadka la nool HIV-ka ama ay saameysay, kuwa isticmaala daawada PrEP iyo kuwa kale ee daneynaya. Raac jadwalkayaga  iyo fursadaha aan bixino iyo waxqabadyadayada. 

Haddii aad rabto inaad la hadasho qof kale oo la nool cudurka HIV-ka, waxaan leenahay dad xaaladadaada oo kale ku jira oo badan oo ku faraxsan wada sheekaysiga. Kuweena kale xaaladaas ku sugan waxay kaloo ku hadlaan luqado kala duwan. 

HivNorge waxaa laga heli karaa taleefanka nambarkiisu yahay 21314580, ama emayl ama waxaa loo soo marin karaa bayjka.Facebook

Les også

schedule13.01.2023

→ Ma ku cusub tahay Norway oo ma u baahan tahay daawada HIV-ka?

Qof kasta oo Norway jooga oo la nool HIV wuxuu xaq u leeyahay daawaynta HIV oo bilaash ah. Tan waxaa laga heli karaa dhakhaatiirta isbitaalka kuugu dhow oo leh waaxda cudurrada faafa.

schedule06.01.2022

→ Tallaal covid-19 ammaan ah

Tallaallada covid-19 ammaan bay u yihiin (way qaadan karaan) dadka la nool hiv, sidaa waxaa sheegay UNAIDS. Dhakhaatiirta infakshinnada Noorwey ayaa ku taageeray taas, oo ku boorrinaya dadka la nool hiv inay qaataan tallaallada.