Wadooyinka cudurka iyo sidii aad iskaga difaaci lahayd

Dadka la nool xanuunka HIV-ka, ee heley daawayn rasmi ah oo ku guulaystay baxnaaninta oo aan lahayn heerarka fayraska ee dhiiga ma qaadsiin karaan dadka kale ee HIV-ka leh. HIV-ka sidoo kale laguma qaado isdhexgalka bulshada, dhunkashada, is hab siinta, isla wadaagga koob, iwm.

scheduleOppdatert: 23.07.2021

createForfatter: Sekretariatet

labelEmner:

HIV-ka waxaa badanaa lagu kala qaadaa galmada aan la iska ilaalin ee lala yeesho qof qaba HIV oo aan baxnaanin daawo ku jirin, dhiig shubis/bixin iyo hooyada ilaa ilmaha wakhtiga uurka, dhalashada iyo naas nuujinta.  

Waxaa jira dhowr siyaabood oo aad isaga difaaci karto HIV-ka: 

Daaweyn guul leh. Khatar uguma sugnid in aad ka qaado cudurka HIVka qof qaba HIV-ka oo ku guuleystay baxnaaninta daawo. Taas macnaheedu waxa weeye in qofku raacayo daaweynta, qaadanayo daawada sidaas awgeedna heerka fayrasku uu aad u hooseeyo oo aan la isugu gudbin karin, ha ahaado galmo aan la ilaalin, uur ama dhalmo.  

Kondhomku wuxuu ka hortagaa HIVka iyo caabuqyada kale ee galmada lagu kala qaado waxaana lagu dalban karaa lacag la’aan barta www.gratiskondomer.no  

PrEP (kor-u-qaadista prophylaxis) waa daawooyinka HIV-ka ee la siiyo HIV-taban si looga hortago si la isu qaadsiyo HIV-ka. Si aad u hesho PrEP, waa in dhakhtarkaaga guud uu kuu diraa, xarunta caafimaadka ee Olafia ama waaxda cudurrada faafa ee isbitaalka aad ka tirsan tahay.  

Haddii aad la kulantay oo aad ku dhacday xaalad khatar ah oo muhiim ah, PEP (ka-hortagga cudurka) waxaa loo siin karaa daawo ka hortagi karta fayraska HIV-ku inuu galo unugyada oo uu tarmo. PEP waa in sida ugu dhaqsaha badan loo qaataa ilaa iyo 48 saacadood ka dib marka lala kulmo HIV-ka. PEP waxaa la qaataa 28 maalmood. Dhammaan xarumaha caafimaad ee  xaaladaha degdegga ah iyo adeegyada gurmadka deg-degga ee magaalooyinka waaweyn ee Noorway waa inay awoodaan inay maamulaan PEP iyadoon la soo marin wadahadal dhakhtar ee qaybta daawaynta cudurka. 

Les også

schedule13.01.2023

→ Ma ku cusub tahay Norway oo ma u baahan tahay daawada HIV-ka?

Qof kasta oo Norway jooga oo la nool HIV wuxuu xaq u leeyahay daawaynta HIV oo bilaash ah. Tan waxaa laga heli karaa dhakhaatiirta isbitaalka kuugu dhow oo leh waaxda cudurrada faafa.

schedule06.01.2022

→ Tallaal covid-19 ammaan ah

Tallaallada covid-19 ammaan bay u yihiin (way qaadan karaan) dadka la nool hiv, sidaa waxaa sheegay UNAIDS. Dhakhaatiirta infakshinnada Noorwey ayaa ku taageeray taas, oo ku boorrinaya dadka la nool hiv inay qaataan tallaallada.